Shaqa la,aanta dhalinyarada Koonfur Galbeed badanaa ka cawdaan iyadoo laga jawaabayo Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS waxay wadaa dadaal dhalinyarada loogu sameynayo in la baro xirfado ay ku shaqeystaan.
Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaradaha Koonfur Galbeed,Madax ka socotay Hay,adda SOS ayaa qeyb ka mid ah mashruuc dhalinyaro gaareyso 150 xirfado kala duwan lagu barayay usoo gaba gabeeyey,waxaana barnaamijkan maalgelisey wasaarada arimaha dibada ee Jarmal BMZ.
Xasan Maxamed Ibraahin Gaduudow iyo Mustaf Xaaji Xasan oo ka socdey hay,adda SOS ayaa marka hore sharaxay dadaalka iyo muhiimada xirfadda u leedahay dhalinta shaqa la,aanta ah.
Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Maxa,ed ayaa sheegey in ka wasaarad ahaan xoojinayaan fursadaha dhalinta la siinayo.
Wuxuu ahaa mshruuc baahi loo qabay,dhalinyara fursadan heleyna aad ula dhacsanaa iney ku xamaashaan waxaa ay barteen.