Baydhabo Soomaaliya{WMN}-Wasiirka Wasaarada Ba,ida iyo Duurjoogta Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cali Isxaaq Cumar,Wasiir ku xigeenka Wasaarda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Baydhabo waxaa ay soo saareen amaro ay ku mamnucayaan wax kasta oo wax u dhimi kara bilicda Deegaanka iyo faydhoowrka.
Wareegto kasoo baxdey Wasaarada Ba,ida iyo Duurjoogta waxaa saxaafada u akhriyey Maxamed Nuur Xaaji.
Wasiirka Wasaarada Ba,ida Koonfur galbeed Cali Isxaaq Cumar ayaa sheegey in bulshada Koonfur galbeed ka rajeynayo iney dhaqan geliyaan amarkan wasaarada kasoo baxdey.
Wasiirada cusub ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ku howlanaa dhowaanahan soo saarida amaro ay ku adkeynayaan shaqooyinka Wasaaradaha laga sugayo.