Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ayaa Madaxweynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Galmudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Galmudug, waxaana uu ugu baaqay siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Galmudug inay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Galmudug.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inuu u ambabaxo magaalada Cadaado, si uu ula kulmo dhinacyada ku sugan magaaladaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xaaf.