Ardey tiradooda gaarayso 125 oo isugu jira Wiilal iyo Ggabdho oo muddo sanad ahna wax ka baranayey Iskuulka Al-azhar Academics ayaa munaasabad lagu gudoonsiinaayey shaadooyin waxaa lagu qabtay Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo .
Munaasabadda oo ahayed mid si heersare ah loo soo agaasimey xiiso iyo xamaasadna laheyd waxaa ka soo qeyb galey bahda waxbarashada, Abwaano iyo marti sharaf kale oo intii ay socotey Munaasabadda ka jeediyey khudbooyin u badnaa dhiiri galin ku aadan aqoonta muhiimada ay u leedahay dhalinyarada iyo sida ay u bedesho nolosha iyo wacyiga qofka .
Cabduqaadir Shariif waa maamulaha Al Azhar Academics furitaankii munaasabadda mar uu khudbad u jeedinayey ardada qalin jabinaysa waxaa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee Iskuulku soo maray markii la furay ilaa iyo iminka, “Iskuulka waxaa la furay bishii May sanadkii 2017dii, tan iyo xiligaasi waxaa ka qalin jabisay laba dufcadood. Mar 65 arday oo ahayd sanadkii hore haddana waxaa qalin jabinaysa 125 arday oo dhamaystay maadooyinka caafimaadka iyo luuqadda Ingiriiska”. Sidaas waxaa yiri Cabduqaadir Shariif oo ah maamulaha Iskuulka Al-azhar Academics.
Qaar ka mid ah ardada Iskuulka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay maadooyinkii ay barteen, kuwaasoo ay ka muuqatay wajiyadooda farxad iyo nashaad tiiyoo ay u dheerayd fahmo iyo farxad ka tarjumaysa in ay sanadkii la soo dhaafay dadaalkoodii iyo waqtigoodii ay ku bixiyeen Iskuulka iyo ku taxnaantiis uusan noqonin mid lumay balse uu miro dhalay.
Dufcadan ka qalin jabisay Iskuulka ee gaaraysa 125 arday ayaa noqoneysa Kuwii Labaad oo ka qalan badalanaysa Iskuulka Al azhar tan iyo markii la furey bishii May Sanadkii 2017 oo isku jirka ardada labadii sano wax ku baratay Iskuulka ay tahay 190 Ardey oo maadooyinkii ay barteen kari kara in ay sii gudbiyaan kuna shaqaystaan.