Weerar Ku bilowdey Gaadiid Wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa saakey lagu Qaadey Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose .
Qaraxyada Waxaa xigey Dagaal toos ah oo alshabaab ay Ku Qaadeen ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan Awdheegle La wareegey Waxaana Dagaalka uu Sababey Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarey Dhinacyada Dagaalamey .
Bashiir ibraahim Aadan waa Xildhibaan Ka tirsan Baarlamanka KGS Ahna Xoghayaha Gudoomiyaha Gudiga Amniga iyo xuduudaha Baarlmanka KGS Waxaa uu Ka hadley Howl galada ka socda Gobolka shabeelaha Hoose waxaana uu sheegey in Maanta oo Arbaco ah ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa KGS ay dagaal Xoogan La galeen Alshabaab kuwaaso isku Fara saarey Degmada Awdheegle .
Si aan Faahfahin Dheer uga Ogaano Dagaalkas iyo Howlgalada Gobolka Shabeelaha Hoose Waxaan Wareysi La yeelaney Xildhibaan Bashiir Ibrahim Aadan oo Ka tirsan Baarlamaanka KGS ahna Xoghayaha Gudoomiyaha Gudiga Amniga iyo xuduudaha Baarlamaanka KGS .