Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Wasiiro ka tirsan KGS ayaa ka qeyb galay Munaasabada isugu jirtey Soo Dhoweyn iyo Xil Wareejin oo loo sameeyey agaasimaha cusub ee wasaarada deegaanka iyo duurjoogta KG Isaaq Maxamuud Mursal oohore u ahaa agaasimaha wasaaraa Caafimaadka kg.
Wasiirrada Arimaha Gudaha, Dastuurka iyo Xanaanada Xoolaha oo hadalo gooban Munaasabada ka jeediyey ayaa agaasimaha ku amaaney Shaqadii uu ka qabtey wasaaradii caafimaadka iyo Taarikhdiisa.
Kusimihii hore ee Wasaarada Deegaanka Maxamed Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Cusub ee Wasaarada ayaa xil wareejinta ka hor Hadaladan Jediyey
Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta Kg Cali Isaaq Cumar oo isna Hadley ayaa ka jediyey hdalo uu ku soo dhoweynaayo agaasmaha cusub islamarkaana ku bogaadinaya shaqadii uu qabtey ku simihii wasaarada hayey Xilkeedi agaasinimada wasaarada.