Sodomeeyo dhul-beereed ah oo ku yaalla deegaanka geedweyne ee Gobolka Gedo ayuu ayax baabi’iyay dhul beereed iyo dhul daaqsimeed balaaran, isagoo khasaaro lixaad leh u gaystay wax-soo-saarkii beeraha ee deegaankaasi.
C/risaaq Gamaadiid oo ah Gudoomiyaha deegaanka Geedweyne ayaa sheegay in ilaa todobo tuulo oo hoos taga geedweyne ayaxu weeraray,Ayaxaan oo ay dagaal xoogan ay la galeen ayuu sheegay inuu u dhaafey dhinaca Baladxaawo.oo la sheegay in uu ka yimid dhanka Bakool,waxaana uu cunay dalagyo isugu jira galey,Basal,yaanyo, , bocor,digirta , Sisin iyo dalagyo kale.
“ilaa sodon beerood waxii dalag ah ee ka baxayey ayuu baabi,yey,shaley subax ayaa lagu arkey deegaanka,waxuu nooga yimid dhinaca Qooney iyo bakool wax caleen leh uu dhaafayo malahan ayaxa,dagaal culus ayaan la galney markii aan iska kiciney dhinaca Baladxaawo ayuu noo dhaafey,hadana waxaan cabsi ka qabnaa kuwa kale inay nagu soo socdaan sidaasi waxaa yiri Cabdirisaaq gamaadiid oo ah Gudoomiyaha deegaanka Geedweyne.
Dhanka kale.Ayax ku habsaday Maanta qaybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta degmadaasi iyo hareeraheeda lagu arkey Ayax aad u tiro badan oo ku habsadey dhirta deegaanka,ayaxan oo la sheegay inuu dhibaato ba’an uu ku hayo dhirta deegaanka ayaa dadka deegaanku ku guuleysteen in ay dagaal uga saaraan deegaanka sida uu Radio Warsan uu u sheegay Muqtaar Maxamed oo u waramayey wariyaheena Axmed Xumar Saalixi.