Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAMA) ayaa yeelatay sharciga duulista rayidka, iyadoo shalay uu meel mariyay shacricgaas Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.
Axmed Macalin, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya yeelaneyso sharci dhameystiran oo ku aaddan duulista rayidka hadda, maadaama uu horay uu u jiray mid ay soo saartay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, kaaso oo ayadoo la ansixin ay dhacday Dowladdii militariga ee uu Hoggaaminyey Madaxweyne Maxamed Siyaad.
Fadhigii shalay ay yeesheen Golaha Shacabka ayey ku meel mariyeen labada sharci ee kala ah : Heshiiska Maalgashiga Darafyada badan iyo midka Duulista Rayidka.