KISMAAYO (WMN) – Howlgal ay sameeyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa lagu dilay afar ka tirsan al-Shabaab meel u dhow magaalada Kismaayo.
Ragga weerarka lagu qaaday ayaa ku sugnaa deegaanka Yaaq-bishaaro oo kismaayo kaga beegan dhanka galbeed.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa xaqiijiyay in lagu dilay howlgalkaa afar ka tirsan al-shabaab laguna soo furtay hubkii ay siteen afarta nin.
Afhayeenka ayaa intaas raaciyay in ay sii wadayaan howlgallada lagu beegsanayo kooxaha ka tirsan Al-shabaabka ah ee ku dhuumaaleysanaya agagaarka malagaalada, isagoo la hadlayey warbaahinta dowladda.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay weerarro ku qaadayey saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya