Baydhabo(WMN)_Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Isaaq Cali Subug oo warbixin looga dhageystay kulankii gohala wasiirada ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay amniga degaanada KG ay ahayeen kuwa lisku haley karey, wuxuuna sheegay in ciidamada kala duwan ee dowlada FS’ ciidanka Maamulka Kg Iyo kuwa amison oo iskaashanayaan in ay kawada qeyb qateen sugida amniga KG.
Wasiirka ayaa sheegay in degmooyinka qaar ee gobolada Kg ciidamada kusugan in ay howlgalo kafuliyeen iyadoo lagu soo war galiyay in ay jiraan meelo qaar in ay si dhumaleysi ah ay ku jogaan kooxda al shabaab.
Wasiirka ayaa tilmaamay in degmooyinka Gobolka Sh/ hoose in maalmihii lasoo dhaafay howlgala laga sameeyay ciidamadu ay ku guleysteen in degaano ay kala waregaan kooxda al shabaab sida uu warbaahin u xaqiijiyay Isaaq Cali Subag Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee dowlad goboleedka koonfur galbeed.
Wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo aqrinaayay warbixinta ay soo gudbisay wasaarada amniga oo uu lawadaagay warbaahinta magalada baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in degmooyinka kabaxsan gacanta maamulka Kg iyo kuwa kaleba dadka kusugan dhibaato badan ay kala kulmaan, wuxuuna si gaar ah usoo hadal qaaday degmooyinka weli ay u godoosan yihiin kooxda al shabaab in ay ka jiraan xaalad aad u adag.
Maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa lagu tiriyaa maamulada dalka kajiraan ee ugu ciidamada badan, iyadoona bilihii lasoo dhaafay ciidamada ingariiska ah ee kusugan magalada baydhabo ay towbaro usoo xirtay ciidamo badan oo katirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya ee qeybta 60, aad.
Iyadoo taasi ay jirto ayaa mararka qaar degmooyinka iyop degaanada kale ee ciidamada kusugan ayaa waxaa ay kadhacaan weeraro si gaadmo ah ay kusoo qadaan kooxda al shabaab taasi oo kadhalata dhibaatooyin adag, waxaana qasaaraha ugu badan ay ka soo gaarta shacabka halkaasi ku nolaan, waxaana ugu dambeysay degaanka goofgaduud buuray oo weerar ay ku soo qadeen kooxda al shabaab waxaana ka dhashay qasaaro iskugu jiraan dhimasho iyo dhaawacyo oo soo wada gaartay labada dhinac ee halkaasi ku dagalameen.
Halka Hoos Kadhageyso Codka, W/Q/ Siid Cali Muuse (Ateera)