Xaruunta maxkamada degmada Xuddur ayaa masuuliyiinta maamulka iyo Ururad bulshada rayidka degmada xuddur iskaashanaya ayaa maantay ka qaybgalay dhismaha xaruunta maxkamada degmada Xuddur.
Guddoomiyaha gobolka Bakool ,odayaasha dhaqanka iyo Ururada haweenka ayaa ka qaybgalay ololaha lagu dhisayo xaruunta maxkamada magaalada Xuddur waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada goobaha danta guud ee bulshada loogu adeego in ay iska wax uqabso ay ku dhisaan dadka degmada Xuddur.
Magaalada Xuddur waxay ka mid tahay magaalooyinka fara ku tiriska ee laga hirgaliyay baraamijka ku dhiso dalkaaga isxilqaan maantan ay sii wadajir ah ay uga qaybgaleen dadka deegaanka.
Markii uu soo dhamaaday ololaha isxilqaan ee shubka dhismaha xaruunta maxkamada waxa warbaahinta lahadlay maamulka degmada xuddur iyo wasiir kuxigeenka wasaarada maareynta iyo masiibooyinka Dowlad Koboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya waxayna shacabka reer koofur galbeed ugu baaqeen in loo istaago howlaha danta guud,waxay uga mahadceliyey sida geesinimada leh ay uu garab istaagayaan oloala isxilqaan ee dib loogu soo celinayo bilicada degmadda Xuddur.