Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrimihii uu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday siyaasada Galmudug.
Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu baaqay ururka Ahlu Sunna inay ka mid noqdaan maamulka Galmudug,ayna u horseedin in labo maamul ay yeelato Galmudug.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Guuleed
Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.
Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.
Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.
Waxaana kaloo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo hareer socda midaamka dowladeed.