Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka koonfur galbeed Mudane Maxamed Deeq Nuur Ali ayaa shir gudoomiyey shirka bilaha ah kaasoo oo ay iskugu yimaadaan hay`adaha bixiya kaalmada sharciga iyo wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka.
Agassimaha guud ee Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka koonfur galbeed Mudane Maxamed Deeq Nuur ayaa shaqaalaha wasaarada iyo hey,adaha kasoo qeyb galey shirka u sheegey in waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankan loogu hadlaayo ay tahay baahiyaha iyo caqabadaha haysta Wasaarada ay ugu weyn tahay sharciga ku aadan arimaha dadka dhibaniyaasha ah.
Sidoo kale shirkaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa UNSOM iyo UNDP oo door muhiiim ka qateen wax kaqabashada arimaha garsoorka iyo sidii ay utaaageerilahayeen, waxaana ay sheegeen in ay wasaarada kala shaqeyn donaan hormarinta Garsoorka iyo tayeynta hay`adaha Sharciga.
W/Q: Wariye Siid Cali Muuse Ateera