Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xalay howlgal qorsheynaa ay ka fuliyeen Hoyga Wasiirka Amiga Jubbaland ee degmadaas,iyaga oo howlgalkaas hub kusoo qabtey.
Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,waxaana la sheegay in Ciidamada Guriga ay kasoo bixiyeen Rasaas iyo laba Qoray oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo qoryo kale.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee kaliftay in howlgalka laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya,hayeeshee ay xusid mudan tahay in xilligaan Wasiirka iyo Dowladda Soomaaliya uu ka dhaxeeyo khilaaf xoogan.
Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in Ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee degmada Doolow walow aan la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen,waxaana wararka saaka la helayo ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay Ciidamo kala duwan geysay degmooyinka,Baardheere,Doolow, Beled-Xaawo iyo degmooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland.