Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo Bandhigay Nin ay sheegeen inuu doonayay inuu Is qarxiyo.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen Ninka lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidanka, iyadoo xiliga lasoo qabanayay uu watay Jaakada qaraxa, qori Ak47 iyo agabyo kale oo uu isticmaalayay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed Muqtaar Ibraahim Dumbudow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas uu doonayay inuu shacabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo, hayeeshee gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Taliye Dumbudow ayaa waxaa uu sheegay in ruux kale oo ka tirsan Al-shabaab uu isku soo dhiibay Ciidanka amniga Koonfur Galbeed, isla markaana in muddo ah uu la shaqeeynayay Al-shabaab.

Ninka isku soo dhiibay Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu magaciisa ku sheegay Aadan Ibraahim, isagoo xusay inuu ka howlgeli jiray Jubbooyinka gaar ahaan aaga deegaanka Baar-sanguuni.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha amniga, si looga hortego falalka amniga lid ku ah.