Wararka laga helayo magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday barakac ay sameynayaan dadka degaana magaaladaΒ iyada oo halkaas laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Dad ku sugan magaalada Mandheera oo la hadlay dalsan ayaa waxa ay sheegeen in uu socdo barakac kadib markii dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ay geysay halkaas kana cabsi qabaan in dagaal uu ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dhinaca kalana war soobaxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowlaada fedraalku ay dhaq-dhaqaaqyo cidan ay ka wadaan duleedka Beled-xaawo iyo deegaano ku dhow Mandheera.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maalmo ka hor dagaal culus uu Beledxaawo duleedkeeda u dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan wasiirka amniga jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya.