Qofka kasta oo bini`aadan ah wuxuu haminayaa in uu unolaado sida dadka kale ay yihiin oo uu helo caafimaad nolal wanaagsan waxbarasho iyo wax yaabaha kale oo nolashada aas aasiga ay u yihiin lakiin waxaa meesha ku jirtaa qadarta alle oo adoomadiisa aduunka ku tusaa imtixaano kala duwan.

Cadey aadan waa hooyo heysata hal wiil oo kaliya dadiisuna ay tahay 4 sano, waxaan muddo labaatan sano ah ay la nooshahay cudur kaga dhacay lugteeda midigta ah taasi oo habeen iyo maalin ay la xanuunsan tahay.
Hooyo caday aadan waxay ku nooshahay degmada xudur ee xarunta gobolka bakool waxay sheegtay in mudadaan labaatanka sano ah ay san tagain wax dhaqaatiir ah taasi oo loola xiriirinaayo in ay san heysan wax qarash ah oo ay iskaga daweyso xanuunkaan kaga dhacay lugteeda midig.
Cadey ayaa sheegtay in marka xanuunka uu kusii siyaado ay dareemeyso wadno xanuun xuleys ahaana waxay la egtahay qiyaas ahaantii in ka badan afar kiilo.
Sidoo hooyo cadey muslimiinta soomaaliyeed waxay ka codsatay in laga caawiyo dhanka iyo qarasha loo baahan yahay in looga daaweyo lugteeda.
Maxamed oo afar sano jir ah waa wiilka kaliya ay dhashay hooyo cadey wuxuu kula gu`doonsan yahay hoyga ay kaga degan yihiin degmada xudur maheysto waxbarasho ama qof si toos ah u kafaala qaaday noloshiisa.
W/Q/ Wariye Siid Cali Muuse.