Gudoomiyaha mamulka Degmada baydhabo ahna Duqa magalada baydhabo Xasan maclin Axmed biikole,
ayaa wareegta uu soo saaray waxaa lagu mamnuucay bixinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.
Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay dowlada hoose degmad Baydhabo ee la siiyay shirkadaha bixiya adeega sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaaray o ah gabi ahaanba in ay kashaqeen karin degmada Baydhabo laga bilaawo maanta oo ay tahay taariiqda 14/03/2020, Lagana qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan cidii u hogaansami wayso goaankaan.