Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada,dugsiyada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay ka hortagga Cudurka Dilaaga ee Coronavirus.
War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020.