Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo uu watay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay si nabad kula wareegeen xarunta Maamulka magaalada Beledweyne, halkaasoo horay uga sugnaa Ciidamo daacad u ahaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale.
Sida wararku sheegayaan Ciidamada uu watay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa qorshahooda ahaa inay howlgal kula wareegaan xarumaha, waxaana la sheegay in Ciidamadii taabacsanaa Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan ay is dhiibeen, iyagoo u wareegay dhanka Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana taasi ay keentay in todobaadyo magaalada Beledweyne ay gasho xiisad u dhaxeysay Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.
Tan iyo sanadkii 2016 dhismihii maamulka Hirshabeelle waxaa Gobolka Hiiraan loo magacaabay Guddoomiye 7 jeer waxaana 3 jeer oo ka mid ah la magacaabay Guddoomiye Cali Jeyte Cusmaan.