Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga digay Ganacsatada Gobolka Banaadir inay sare u qaadaan qiimaha maciishada, kaddib markii uu shalay dhaqan galay canshuur dhaafkii dowladda u sameysay raashinka qutul daruuriga ee ka soo dega Dekeda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan qadka Muuqaalka ee Online la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray sidii aanay Ganacsatada maciishada qaali uga dhigin.
Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay tallaabada dowladda ay canshuur dhaafka ugu sameysay, waxaana ay balan-qaaday in aanay wax qiimo kordhin ku sameyn doonin maciishada.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabsi laga qabay sare u kac ku yimaada qiimaha maciishada, kaddib markii Cudurka Coronavirus uu caalamka saameeyay, hakadna geliyay dhaq dhaqaaqa ganacsiga