Xudur:Dhowaan Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ganacsatada aysan qaaliyey Karin qiimaha raashinka suuqayada Soomaaliya,waxaana hadaba jirta in Magaalooyinka qaar ee Soomaaliya qiimaha raashinka uu sare u kacay.
Degmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool waxay ka mid tahay Degmooyinka ganacsatada ku dhaqan ay kor u qaadeen qiimaha raashinka la iibiyo,waxaana kiiladii sokorta oo horey Xudur uga joogtay 17 kun oo shilinka Soomaaliga ah,hada ka mareysaa 28 kun oo shilinka Soomaaliga ah.
Sidoo kale Qiimaha la iibinayo Kiilada Bariiska,Burka,Baastada iyo Saliida ayaa kor u kacay,waxaana arintan saameyn xoogan ku yeelatay bulshada ku dhaqan Degmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool.
Ganacsatada oo Idaacada Warsan xariiro la sameysey ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta ay u qaaliyeeyeen raashinka ay tahay ganacsatada Baladweyne oo ganacsiga uga imaanayo iney qaali kasoo siiyeen taasna keentey iney iyagana qiimaha kor dhiyaan.
Bulshada Danyarta ah ee Magaalada Xudur ayaa arintan aad cabasho uga muujiyey,waxayna ay ka dalbadeen Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed iney ganacsatada kala hadleen si qimihii hore raashinka loo iibiyo.
Xaalada Qiima kororka dhanka raashinka ah ee Degmada Xudur ayaa walaac kale keeni karta hadii aan wax laga qaban.