Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo waxaa ay muddo kordhin ugu sameeyeen muddo xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Xildhibaannada ka codsadey in ay u sameeyaan muddo kordhin,iyada oo mooshinka muddo kordhinta aty Baarlamaanka horgeeyeen 33 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
87 Xildhibaan oo Maanta goobjoog ka ahaa kulanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Cod Gacan taag ah ugu codeeyey in muddo xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed loogu daro muddo hal Sano ah si la isku waafajiyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
Doorashadii ka dhacdey Magaalada Baydhabo ee lagu doortey Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa hadda laga joogaa sanad iyo dhowr bilood halka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed dhawaan la soo xuley, hayeeshee xilligaan wixii ka dambeeya ay si xiriir ah u dhici doonaan.