Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta waxaa uu xilkii Guddoomiyenimo uu ka qaadey Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali.

Sababaha xilka qaadista Guddoomiyihii degmada Shibis ayaa waxaa la sheegay inay salka ku heyso Arrimo la xiriira musuq maasuq,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu xiray xarunta C.I.D-da si wax looga weeydiiyo Arrimaha lagu soo eedeeyey.

Arrimaha ugu weyn ee xilka looga qaadey Guddoomiyihii degmada Shibis ayaa waxaa la sheegay inay  tahay Cabasho ay Shacabka gudbiywen kadib markii Maamulka uu kusoo rogay lacag lagu sheegay diiwaangelin taas oo saacadihii la soo Baraha Bulshada aad looga hadal haayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimihii Waaxda maaliyadda ee Wasaaradda,iyaga oo lagu eedeeyey falal la xiriira musuq maasuq.