Waxaa Hada xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo gaar ahaana howlka Xildhibaanada kulan uu uga socdaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed,iyadoona Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay joogaan.
Ajandaha Maanta ayaa ah Xubno xildhibaanada ka mid ah oo gaaraya 30 ayaa waxay soo gudbiyeen in Muda xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka mid laga dhigo,taas oo ka dhigey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed muda xileedkiisa hada bilowdo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa sanad iyo bilood laga joogan tan iyo markii la doortay,waxaana xubnaha xildhibaanada ay ka doodi doonaan in sida xubnaha qaar ay soo gudbiyeen muda xileedka Madaxweynahya iyo Barlamaanka mid noqdaan.
Kulanka ayaa wali socda balse wixii kusoo kordha kulanka xildhibaanada waxaan idinku soo gudbin doonaa Wararkeena iyo Barnaamijyadeena kale insha alaah.