Nin hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay goob ay Koox dhalinyaro ku caweynayeen oo ku taal degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Sida wararku sheegayaan ninkan hubeysnaa ayaa la sheegayaa inuu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda, inkastoo uu goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta uu askariga ku furay goobta ay ku caweynayeen dhalinyarada ay ku geeriyoodeen labo qof, halka mid kalena ku dhaawacmay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in falkan uu ahaa mid si bareer ah, oo aanay ogeyn ujeedada ka dambeysa, waxaana ay ka dalbadeen maamulka degmada iyo laamaha amniga inay baaraan,
Ciidamada Amniga degmada Kaxda ayaa tan iyo xalay howlgallo baaritaano oo lagu baadigoobayo askariga dilka geystay ka wada xaafadahaas degmadaas.