Xudur(WMN) Xasan Cali Dheere waxaa uu ku nool yahay Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool, waxaa uu keligiisa Degmada Xudur kaga degnaa hal qol yar oo ka sameysan geedo, bacooyin iyo dhar lisu geeyey qolkaasi oo aan kaga gaban karin qoraxda maalintii iyo dhaxanta habeenkii, iyadoo intaasi ay jiraan ayaa hadana sidii loo galey qubashada roobabka guga oo Degmada Xudur iyo Degaanada katirsan ay ku da`een ayaa Xasan Cali Dheere qolkiisa ugu galayeen.
Dhibane Xasan Cali ayaa maalmihii lasoo ayaa waxa lagu baahiyey warbaahinada qaar gaar ahaan barta Facebook`ga asigoo codsanaayey in wax laga qabto xaalada xiligaasi uu ku jirey oo ay aheyd in loo dhiso qol wanaagsan oo uu ku nolaado.
Waxaa arintaasi ka danqadey kana soo jawaabey codsigii Xasan Cali Dheere dhalinyarada ku nool Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool, waxeyna Xasan Cali Dheere ay u dhiseen qol yar oo ka sameysan teendhooyinka balastikada ah sidoo kalena waxaa lagu caawiyey wax uu ku seexdo, wuxuuna ka mahadcelinyey sida loogu jawaabey codsigiisa.