Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la karantiilay illaa 7 ruux looga shakiyay inay qabaan cudurka Coronavirus.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta COVIF-19 ayaa lagu sheegay in dadka la karantiilay shalay laga qaaday baaritaan, isla markaana la sugayo jawaabta natiijada baaritaankooda.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in dadkan la geliyay xaalada karantiilka lakala ogaan doono natiijada baaritaanka, haddii ay qabaan cudurkan iyo haddii kale.
Dhinaca kale Guddiga ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in aysan qarsan xanuunka Coronavirus, isla markaana qof walba oo isaga shakiya uu la xiriiro howl-wadeenada caafimaadka, si xaaladiisa loo hubiyo.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa soo jeediyay in loo hoggaansamo awaamiirta ku aadan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.