Waxaa caawa oo bisha Ramadaan 2 Ay tahay idaacada Warsan Si toos ah uga socda tartan aqooneedkii u dhaxeeyey Xaafadaha Baydhabo . tartankan oo sanad walba Bishan oo kale la qabto waxaa ku tartamaya 10 Xaafadood ee Baydhabo ay ka kooban tahay waxaana Sanadkan Tartanka Maal galineya Ururka Garab walaal oo kaashaneya idaacada warsan. Caawa tartanka wuxu u dhaxeeyey Xaafadaha kala ah Deynuunay B iyo Daarusalaam A ,Su aalaha oo ka kooban 14 su ‘aal isla mar ahaantaasna diyaarntooda lahaa schoolka Kabaadir waxaa caawa natiijada ay ku dhamaatey Deynuunay 8 dhibcood iyo Daarusalaam 8 dhibcood taas oo udiganta Bareejo Habeen dambe waxaa is arki doona Xaafadaha kala ah Holwadag B iyo Horsed A Barnaamijka waxaa daadihintiisa lahaa Wariyaasha kala ah Muxidiin xusni iyo C/lahi jeceelow.