Waxaa caawa oo bisha Ramadaan 1 Ay tahay idaacada Warsan Si toos ah uga bilowdey Tartan Aqooneedkii Xaafadaha Baydhabo . Tartankan oo Sanad walba Bishan oo kale la qabto waxaa ku Tartamaya 10 Xaafadood ee Baydhabo ay ka kooban tahay waxaana Sanadkan Tartanka Maal galineya Ururka Garab walaal oo kaashaneya idaacada warsan. Caawa waxaa Tartanka lagu daah furey Xaafadaha kala ah Bardaale A iyo Cadaada B,Su aalaha oo ka kooban 14 su ‘aal isla mar ahaantaasna diyaarntooda lahaa schoolka Kabaadir waxaa caawa natiijada ay ku dhamaatey Bardaale A 11 dhibcood Cadaada B 10 dhibcood Tartanka oo bilow ahaa waxaa daah furey gudoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo teeygaab Habeen dambe waxaa is arki doona Xaafadaha kala ah Deynuuney iyo Xaafada Daarusalaam.Barnaamijka waxaa daadihintiisa lahaa Wariyaasha kala ah Muxidiin xusni iyo C/lahi jeceelow.