Banka Aduunka ayaa warbixin uu soo saarey ku sheegey in kabadan 60 million oo qof ay wajahaaan xaalad saboolnimo oo aad u daran guud ahaan adduunka.
Guddoomiyaha Bankiga adduunka David Malpass ayaa yiri “guud ahaan dhaqaalaha caalamka ayaa sanadkaan hoos u dhacay 5%, iyada oo sababtuna ay tahay xayiraada xanuunka COVID-19 uu galiyey dunida.
Horey ayey malaayiin qof u lumiyeen shaqooyiinkoodii iyo ganacsayadoodii, taas oo kor u qaadey in nolosha dadku ay ciriiri gasho, gaar ahaan wadamada saboolka ah ee u badan qaaradaha Afrika iyo Eeshiya.
Bankigu waxaa uu isku dayeyaa in uu wax ka qabto dhibaatada haysata malaayiinta ku kala nool adduunka, kuwaas oo baahiyo ay la deristahay, laakiin haddana awood uma hayno inaan gebi ahaanba daboolno dadka tiradooda intaasi ay gaarayso.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr David.