Wakaaladda wararka ee Associated Press news ayaa falaanqayn ay samaysay maalmihii la soo dhaafay ku sheegtay in korona uu aad ugu faafay 25 xaafadood oo ay ka socdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dilkii loo gaystay George Floyd.
Waxaa jirta cabsi laga qaba inay kiisaska cusub kor u kacaan, iyada oo dadka mudaharaadaya ay buuxiyeen jidadka aysanna ku dhaqmaynin taloobooyinka lagula tacaalayo faafidda cudurka korona..
Waxaa ilaa hadda Maraykanka laga diwaangeliyay 1.8 milyan oo kiis, halka dhimashadana ay dhaaftay 106,000.