Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa manta tababar u furtay shaqaale iyo qubaro loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan xarumaha bixiya digniinta musiibooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad gobaleed.
Tababarka oo ay bixinayaan qubaro ku taqasustay maareynta musiibooyinka ayaa waxaa ka qeyb galaya oo ka faa’iideysana qubarada loogu tala galay in ay sii tababaraan shaqaalaha ka shaqeyn doona xarumaha ka diga Halis-wadareedyada ee heer Dowlad Gobaleed iyo heer Dowladda Federal-ka ah.
Ilaa 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo la taliyaasha ayaa ka faa’iideysana casharrada tababarkan oo socon doona muddo seddex cisho.
Tababarista shaqaalaha ayaa qeyb ka ahayd heshiis seddex geesood ahaa oo dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS, Barnaamijka cuntada u qaabilsan qm ee WFP iyo hey’adda sacuudiga laga leeyahay ee King-Salmaan Foundation.
Heshiiskan ayaa dhigayay in dhammaan Dowlada Gobaleedyadad dalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumo sii faaqida halis-wadareedyada, isla markaasina bixiya digniinaha ka hor inta aanay qatartu soodhawaan.
Sameynta xarumaha ka sii digo qataraha ayaa door muuqda ka cayaari doonaan in la xakameeyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda soomaaliya ayaa furay tabarka isagoo sheegay iyo abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada ay u sahleyso DFS in ay awood u yeelato in ay ka jwaabto, yareyso isla markaana maareyso Musiibooyinka
“Waa guul kale oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya taas oo horseedi doonta in xarunta ka sii digta musiibooyinka ay howl gasho ka hor inta aanay dhammaan Juun, in Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto nidaamka digniinaha musiibooyinka oo hadda ku jira gacmo hey’ado ajnabi ah ay tahay arrin sii xoojineysa madax-bannaanida Soomaaliya mana la sii sugi karo in nidaamkaasi ka sii maqnaado gacanta Dowladda Soomaaliya.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in wasaaraddiisu ku dadaaleyso sidii dalka uu uga gudbi lahaa Musiibooyinka soo noqnoqda loona gaari lahaa xal waara.
Soomaaliya oo wajahaysa hadda qattar saddex geesood ah sida saf-marka COVID-19, ayax dhibaato ku haya wax soo saarka beeraha iyo saameynta daadadka iyo fatahaadaha ayaa muujineysa sida ay muhiim u tahay in la helo xarun ka sii digta dhammaan halisyada jira ee sababa musiibooyinka.