Daadad ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha wadanka Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 10 ruux halka boqolaal ruuxna ay ku qasbanaadeen in ay iskaga barakacaan guryahooda.
Dadka iskaga barakacay guryahooda una baahan caawinaada deg dega ah ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 228,000 oo ruux, sida ay sheegtay dowladda Shiinaha.
Sidoo kale warbixinta kasoo baxday dowladda ayaa lagu sheegay in ay daadadku bur buriyeen in kabadan 1,300 oo guri iyadoona hantida ku bur burtay lagu qiyaasay in gaareeso in kabadan $500 milyan,