Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa maamul u cusub u magacaabey Degmada Waajid ee Gobolka Bokool.
Guddoomiyaha Degmada Waajid loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cali halka Guddoomiye kuxigeenka koobaad loo magacaabey Mukhtaar Axmed Xasan sida ku cad Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfyr Galbeed.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa isna loo Magacaabay Aaden Xassan Axmed (Aaden Guud) halka Xoghayaha Degmada loo magacaabay Cali Guurow Maxamed.
Mas’uuliyiinta cusub ayaa sida Dikreetada ku qoran la faray in ay ka soo baxaan waajimaadka iyo Mas’uuliyadda loo igmaday.