Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi ayaa ka digay isku day Ciidamada uu taageerayo Turkiga ee ku sugan Libiya inay ku weeraraan magaalada istiraatiijiga ah ee Sirte, isagoo ku tilmaamay inay tahay ‘Qad Cas’ oo keeni karta in faragelin toos ah in Milateriga Masar ku sameeyo.
Khudbad uu Telefishinka ka jeediyay Ak-Sisi ayaa sheegay in Masar ay faragelin ku sameyn karto dalka deriska la ah ee Libiya, taasoo ujeedkeedu yahay ilaalinta xuduudaheeda galbeedka.
Al-Sisi ayaa sheegay in weerar kasta oo ka dhaca magaalada Sirte ama mid dhulka ah oo garoonka Ciidamada Cirka ee Jufra oo ah qaadaan Ciidamada daacada u ah dowladda Tripoli ee daciifka ah oo ay Qaramada Midoobi taageerto uu ka gudbi karo ‘qadka cas’
Madaxweynaha Masar ayaa kormeeray Ciidamada Cirika Masar iyo cutubyo ka mid ah oo ku sugan Saldhigga Ciidamada cirka ee Sidi Barrani ee ku yaala gobolka galbeedka ee xuduuda la leh xadka lama degaanka Libiya, waxaana uu sheegay in Masar diyaar u tahay inay hub iyo tababaro siiso qabaa’ilada Libiya, si ay u dfaacaan dalkooda.
La taliyaha dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey Mohamed Amry Zayed ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha Masar Al Sisi dagaal ka dhan ah dadka reer Libiya, ayna jirin wax la yiraahdo ‘Qad cas’ oo ku yaalla Libiya.
Ciidamada uu taageerayo Turkiga ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte oo ah halka ugu dambeysa ee ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaamiyo Khalifa Haftar oo guuldarooyin is-daba joog ah ku dhacayay todobaadyadii u dambeeyay, lagana qabsaday meelo badan.