Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa maanta hortageysa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa lagu waddaa in ay shaaciso xilliga rasmi ah ay dhici doonto doorashadda Soomaaliya, maadaama Xildhibaanada ay ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta Gudoomiyaha ay ka cudur daarato in ay hortagto xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa sidoo kale jira Wararka sheegaya in Guddiga doorashooyinka Qaranka laga codsaday in dib loo dhigo hadal jeedinteeda ilaa uu ka furmayo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.