Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir written by Admin 03/07/2020 Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir was last modified: July 3rd, 2020 by Admin 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) next post Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka You may also like Ciidanka Xoogga oo la wareegay Gacan ku haynta degaanno muhiim ah oo dhaca Gobalka Bakool 23/10/2023 Soomaaliya & Hay’adda IMF oo gaaray heshiis la xiriira deyn cafinta 20/05/2022 RW Xamse oo Qaabilay Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya 08/08/2023 Dhageyso Wareysi Dood wadaag Ah oo Dhaxmartay Dhalinyero Ka Soo jeeda Degaanada KGS 14/11/2018 Wasiirada Magacaaban oo wada kulamo kalsooni raadin ah 04/08/2022 Sheekh Shariif “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo Cad & qorshe siyaasadeed” 01/09/2023 Hogaamiyeyaasha EU oo ku guuldaraystay in ay soo saraan qorshe wax looga qabanayo dhaqaalaha Yurub. 20/07/2020 Cali Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka 19/12/2022 Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Daah Furay Musawac Lagu Hago Maraakiibta Kusoo Hiranaya Dekadda Muqdisho 16/08/2020 Madaxtooyada oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay Covid-19 24/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.