Qarax aad u culus ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhacay degmada Xamar Jajab, gaar ahaan ka soo horjeedka Dekeda Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay xarunta Turubataariyada ee ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho, waxaa la sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay.
Xarunta la qarxiyay ayaa ah goobta xarunta canshuuraha ee ciidanka booliska, waxaana la ogeyn illaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah.
Muddooyinkan qarax sidaan oo kale lagama maqlin magaalada Muqdisho, qaraxii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ee magaalada si weyn u gilgila waxaa uu ahaa kii dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2019 ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.
Ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaagayay lixdii bil ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada amniga ay si weyn u adkeeyeen amniga caasimadda, isla markaana soo xiray jidad badan oo magaalada ka mid ah.
La soco wixii warar ee ku soo kordha.