Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho,kadib safar toban maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Qadar.
Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada aqal iyo masuuliyiin kale.
Soo dhaweynta ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta ka duwaneyd kuwii hore, iyadoo intabadan Ra’isul wasaaraha marka uu dalka ku soo laabanayo soo dhaweyn jireen xubno yar oo wasiiro iyo shaqaalo katirsan xafiiskiisa.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan waxa ay wararku sheegayeen in arrimo u gaar ah uu la xiriiray safarka uu ku tegey Qatar.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayeen in booqashadiisa ay la xiriirtay arrimo la xiriira mustaqbalkiisa siyaasadeed.