Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shaqadiisa Dib ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo Guddoomiye ku xigeenka qorsheynta Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) ayaa Shaqada aga joojiyey 12-kii Bishii April ee sanadkan,kadib markii lagu eedeeyay soo jeedin ka timid Guddiga isku dhafka ah ee loo xilsaaray colaad beeleed xilligaasi ka taagnaa degmadaasi walanweyn oo lagu eedeeyay mas’uuliyintaas inay qeyb ka ahaayeen.
Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo la ogeeysiiyay, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Agaasimaha Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Shaqadiisa loogu fasaxay Guddoomiyaha degmada Walanweyn.
Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa ka dalbatay Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow Cabdiraxmaan in Shaqadiisa uu si wanaagsan u guto.