Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Mukhatar Xuseen Maxamed (Qooraansay) u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga ee Qaranka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Qooraansay uu la shaqayn doono Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa.
Qoraalka oo mid kooban ahaa ayaana u qornaa sidatan:-
Mukhatar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa.
Ra’iisal Wasaare Khayre oo magacaabis sameeyay
previous post