In ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland ayaa goor dhow ka dhoofay Kismaayo, iyagoo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan ayaa hordhac u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda tagi doona Dhuusamareeb, iyagoo ka qeyb qaadanaya sugidda amnigiisa.
Ciidamadan oo ku hubeysan hubka fudud, ayaa ka mid ahaa Ciidamada gaarka ah ee Axmed Madoobe.
Inta badan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa Ciidamo Ilaalo u ah la tagaya Dhuusamareeb.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay laga saaray magaaladaas Ciidankii Booliska Haramcad ee hoostagayay dowladda Federaalka, waxaana dib loogu celiyay Muqdisho, ciidamadan ayaa waxaa walaac ka muujiyay Madaxda dowlad goboleedyada, maadaama ay horay ugu lug yeesheen arrimo siyaasadeed.