Gelinkii dambe ayaa wejiga hore ee shirka lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusmareeb, kaasoo ahaa khudbadihii ay shirka ka jeediyeen Madaxweyne-yaasha Maamulada.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Madasha ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo madasha ka hadlay ayaa ujeedada gogosha ay Galmudug fidisay waxaa uu ku sheegay mid ku saleysan in Madaxda Dowlad Goboleedyada uga wada tashadaan hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah, taasoo aan macnaheedu ahayn buu yiri inay talada iyaga oo keliya ku kooban tahay.
Dhammaanba Madaxweyne-yaasha kale ee shirka ka hadlay ayaa khudbadahooda diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka ee dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha ku gadaaman Dastuurka Dalka iyo xal u helidda Maqaamka Gobolka Banaadir.
Dhinacyada ka qaybgaleysa shirka ayaa sameeyay guddi farsamo oo wadahadalada sii wada, Madaxduna ay wejiga labaad ee shirka ka soo saari doonaan qodobada kaga aadan arrimaha dalka, oo ay ugu horeyso midda doorashooyinka.
Wejiga hore ee shirka Dhuusamareeb oo la soo geba-gabeeyay (SAWIRRO)
previous post