Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay bilowday buuxinta biyo xireenka weyn ee dalkaasi ka dhisayo webiga Niil, Sida uu sheegay wasiirka Biyaha xukuumada Ethiopia.
Ethiopia ayaa aaminsan in haddii uu hirgalo biyo xireenkan in ay saboolnimada ka bixi doonaan inku dhow boqol malyan oo Ethiopian ah,iyadoo mashruucana uu ya
hay kan ugu weyn ee qaarada Afrika.โDhismaha biyo-xireenka iyo buuxinta biyaha waa ay is dhinac socdaan umana baahna buuxinta biyo xireenka inla dhameeyo dhismaha biyo xireenka.โayuu yiri wasiirka biyaha ee xukuumada Ethiopia Seleshi Bekele.โHeerka biyaha oo ahaa 525 Mitir waxa uu gaaray 560 mitirโ ayuu sii raaciyay Bekele.
Falkan ay ku kacday dowlada Ethiopia ayaa waxaa ka dhalan kara in si xoog leh ugaga soo horjeestaan dowladaha Masar iyo Sudan oo ku tiirsan biyaha wabigan Nile.
Dowlada Sudan ayaa sheegtay maanta in heerka biyaha wabiga Niilka Buluuga ah uu hoos ugu dhacay 90 milyanoo cubic mitir kadib markii ay dowlada Ethiopia bilowday buuxinta wabiga Nile.
Wadahadaladii ugu dambeeyay ee dowladaha Masar,Sudan iyo Ethiopia ee loogaga hadlayay khilaafka ku saabsan dhismaha biyo xireenkan ayaa ku dhamaaday is afgaranwaa sida laga soo xigtey masโuuliyiin u hadashay dowladaha Masar iyo Sudan.