Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug.
Axmed Madoobe oo ka soo kicitimay magaalada Garowe oo uu maalmihii la soo dhaafay u joogay Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madxaweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, maamulka magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaalada Cadaado, isla markana uu muddo ku noolaa sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa
Sidoo kale waxaa uu sheegay in jacaylkii uu aabahii u qabay Cadaado uu mid la mid ah u hayo Shacabka iyo Magaaladan, mar walabana uu niyada ku hayo.
Shacabka reer Cadaado ayuu ugu baaqay inay garab istaagan Dowladda Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan, isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taasoo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.