Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac ah & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay in Ciidanka Dowladda & Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgal ku jira ay dagaal iskala horyimaadeen Xubno ka irsan Al-Shabaab,waxaana duleedka degmada Diinsoor ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Dadka degmada Diinsoor qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay duleedka degmada ka maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Koonfur Galbeed & Al-Shabaab.
Taliyaha Ururka 154aad ee Ciidamada Dowladda qeybta 60aad Cali Xasan Cali (Taliye Carab) ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,isla markaana tuulooyin dhowr ah ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay isaga baxeen.
Afhayeenka Maamulka degmada Diinsoor ayaa sheegay in dagalkii ka dhacay duleedka degmadaasi Diinsoor ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen deegaanka Wiigli,isla markaana dagaal dhacay lagu dilay Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ay weli howlgallada wadaan.
Deegaano ka tirsan Gobolada Bay & Bakool ee Mamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowladda & kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.
Dhanka kale weerar kale ayey Al-Shabaab ku qaadeen degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxayna iska caabin xoog leh kala kulmeen ciidamada Koonfir Galbeed iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Waajid.
Warar lagu baahiyey warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay Waajid lagu dilay Cabdullahi Weydoow oo ka tirsanaa maamulka gobolka Bakool, in kastoo aysan jirin cid ka madax banaan oo xaqiijin karta.