Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga 2aad ee shirka, kaasoo ay ku madlan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haataan ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Ajandaha shirka ayaa ah in la iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho, ee ay tahay in dalka ka dhacdo.
Waxaa aad u yar rajada laga qabo in shirka uu ka qaybgalo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), inkastoo ay Villa Somalia dadaal ugu jirto, sidii uu shirka uga soo qaybgeli lahaa.
Shirkan ayaa noqon doono mid aad loogu kala feker duwan yahay, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro, sidii ay doorashada dalka u noqon laheyd mid qof iyo cod ah, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay iyaguna u ololeynayan in doorashadu noqoto mid dad-ban.