Baarlamaanka dalka Masar ayaa u codeynaya in madaxweynahooda uu ciidan u diro dalka deriska la ah ee Liibya haddii ciidammada ka taageerayaan xukuumadda Tripoli inay dib ula wareegaan magaala xeebeedka istiraatiijiga ah ee Sirte.
Faragalinta Masar waxay sii xumayn doontaa Liibya oo hodan ku ah saliidda, isla markaana waxay abuuri kartaa in halkaas ay isku qabtaan laba xulafadood Mareykanka iyo Turkiga iyo Masar oo is wata.
Codbixinta ayaa markii hore loo qorsheeyay Axaddii shalay, laakiin waxaa loo wareejiyay maanta kalfadhiga xiran, sida uu sheegay xildhibaan Mustafa Bakry. Aqalka Wakiilada, waxaa ka buuxa taageerayaasha Madaxweyne Abdel-Fattah al-Sissi.
Liibiya waxay ku dhacday jahwareer markii kacdoon ay taageerayaan NATO uu ka dhacay sanadkii 2011, waxaana xukunka ku waayey Mocammar Al Qadaafi, kaas oo markii dambe la diley. Wadanka ayaa hada u kala qaybsan dawlada bariga, oo xulufo la ah General Khalifa Xaftar, iyo midda Tripoli, oo galbeedka haysata.
Masar waxay taageeri jirtay xoogagga bariga Libya, halka Turkiguna uu gacan siin jiray ciidammada jooga caasimada Tripoli, ee galbeedka.
Madaxweynaha Masar ayaa bishii Juun ka digay in weerar kasta oo ka dhaca Sirte, oo ku qasbi karta Xukuumadda Qaahira in ay faragalin Millatari ay ka sameyso Libya.
Baarlamaanka bariga ee Liibiya ayaa sidoo kale al-Sissi ku boorriyay in ay ciidan soo diraan.
Ciidamada Hafter waxay bilaabeen duulaan, ay ku qabsadeen Tripoli bishii Abriil ee sanadkii hore laakiin bishii hore ayey la kulmeen Dhabar jab xooggan markii ciidamada xulafada ee Tripoli, ee Taageerada ka hela Turkiga, ay dib u riixeen.