Arbacada maanta ah waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Furitaanka wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb waxaa la filayaa in madaxdu ay khudbado kala duwan ka jeediyaan.
Maalmihii lasoo dhaafay madaxda isugu tagtay Dhuusamaareeb waxay yeelanayeen kulamo gaar-gaar ah iyo kuwo guud, waxaana haatan sida ay sheegayaan wararku la isku raacay in la furo wajiga labaad ee shirka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo la hadlay Idacaadda Kulmiye ayaa sheegay inay ku rajo weynyihiin in shirkan aan lagu kala tegin, iyadoo aan xal buuxa looga gaarin arrimaha masiiriga ah ee horyaalla, si taladu aysan uga bixin gacanta Soomaalida.
Qodobka sida aadka ah la’isugu hayo ayaa ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyadoo madaxweynuhu uu ku adkeysanayo in la’aado doorasho qof iyo cod ah, halka madaxda dowlad goboleedyaduna ay ku doodayaan in la qabto doorasho dad badan, maadaama mudada ka hartay waqtiga doorashada ay aad u koobantahay.
Waxaa jira walaac badan oo laga qabo in madaxdu ay ku kala tagaan shirka uga socda Dhuusamareeb natiijo la’aan, maadaama sida la shegay ay heystaan laba caqabadood oo waa-weyn, kuwaas oo kala ah, is-aamin darro iyo tanaasul la’aan.